Madaxweynaha Turkiga oo Booqasho Ku Tagaya Iiran

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa la filayaa inuu booqasho rasmi ah ku tago dalka Iiran maalinta Talaadada (maanta).

Madaxweyne Erdogan , ayaa waxa ku wehlin doona safarkiisa wafdi Wasiiro ah, isagoo kulan la qaadan doono Madaxweynaha Iiran Xassan Rooxani iyo Hogaamiyaha ruuxiga Ayatullaah Cali Khamaynii.

Madaxweyne Erdogan iyo dhigiisa Iiran Xassan Rooxani ayaa kulankooda uga wada hadli doono arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo  xaaladaha ka taagan gobolka.

Waxay noqonaysaa booqashadii labaad oo Erdogan uu ku tago Iiran. Bishii Janaayo 2014 ayuu booqasho ku tagay isagoo Ra’iisal Wasaare ah.

Safarka Madaxweyne Erdogan ayaa imaanaya iyadoo heshiis taariikhi ah laga gaaray barnaamijka muranka badan dhaliyay ee Nukliyeerka Iiran.

Turkiga iyo Iiran ayaa inta badan dagaal afka ah warbaahinta isu mariya oo ku aadan Colaadaha ka taagan waddamada Suuriya iyo Yeman inkastoo uu ka dhaxeeyo xiriir ganacsi oo xoogan.