Madaxweynaha Turkiga Recep Erdogan oo Booqasho Taariikhi ah ku Yimid Muqdisho

407
Photo/ Daily Sabah

 

Photo/ Daily Sabah

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya markiisii 3aad muddo 5 sano gudaheed ah si uu xariga uga jaro safaaradda ugu weyn ee uu dalkiisu ku yeesho caalamka.

Booqashada Erdogan oo hal maalin ah ayaa qeyb ka ah safarkii uu ku marayay dalal Afrikaan, waxaana la filayaa inuu xariga ka jaro safaaradda Turkiga ee Muqdisho,  xarumo Caafimaad iyo mashaariic waa wayn oo ay dowladda Turkigu Soomaaliya ka hirgellisay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan golayaasha dowladda iyo masuuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay gegida Aadan Cabdulle.

Dowladda Turkiga ayaa taniyo 2011 dadaal xooggan ku bixisay siddii ay u garab istaagi lahayd dowladda Soomaaliya oo xilligaasi wajahaysay dagaallo iyo abaaro ka jiray meelo badan oo dalka ah.

Xiriirka labada dowladood ayaa sii xoogeystay markii ay Xukuumadda Ankara Soomaaliya ka fulisay mashaariic la taaban karo oo ka turjumaya baahiyaha shacabka Soomaaliyeed sida dhismaha waddooyin, isbitaallo, garoonka Aadan Cabdulle iyo xarumo waxbarasho oo ay hirgaliyeen hay’ado ka socda dalka Turkiga.