Madaxweynayaasha Eritereeya iyo Masar oo kulmay

223

Madaxweynaha Eritereeya Isaias Afwerki ayaa magaalada Qaahira kula kulmay dhigiisa Abdelfitaah Siisii, iyada oo ay xaalada siyaasadeed ee geeska Afrika  ay cirka isku sii shareereeyso.

Labada huggaamiye oo kulmay maalintii talaadada waxay isla soo qaadeen  arrimo xasaasi ah oo ku saabsan gobolka ,muhiimad gooni ah ula leh labada dal.

Muran siyaasadeed ayaa yimid kadib markii Suudaan ay heshiis dib u dhis jaziirada Suakin eek u taalla baddacas  la gaartay Turkiga.Sidoo kalene Suudaan waxay  siisay Turkiga saldhig baddeed.

Ankara iyo Khartuum ayaa sheegay in heshiiska jaziiradda uu kordhin doono dalxiiska,isla markaana uu  abuurayo bar ay xujeyda u socda Maka sii maraan.

Dhinaca kale Masar iyo Sucuudi ayaa si weyn u weeraray heshiiska iyaga oo sheegay in Turkigu rabo dhisidda saldhig Milatari khatar ku ah amniga carbeed.Eed ay iska diideen Suudaan iyo Turkiga.

Xiriirka Masar iyo Turkiga ayaa aad u xumaa, tan iyo intii uu dhacay afganbigii talada looga tuuray madaxweyne Mursi.Afganbigaas oo Turkiga ay aad uga hortimid

Xisadaha siyaasadeed ee geeska Afrika ayaa salka ku haya siyaasado loolama iyo dano is diidan.Masar waxaa walwal ku haya biyaha wabiga niil,iyo arrimo kale oo la xiriira amingeeda.