Madaxweynayaasha Maamulada Hirshabelle , Galmudug, Koonfur Galbeed Oo Baydhbo Iskugu Tagaya

21

 

Madaxweynayaasha maamulada Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa lagu wadaa in ay ku kulmaan magaalada Baydhabo sidii ay usii xoojin lahaayeen natiijadii shirkii Dhuusamareeb ee heshiiska doorashada lagu kala saxiixday.

Seddexdaan Madaxweyne oo siyaasad ahaan ku dhow Madaxweynaha dawladda federaalka ayaa la sheegay inay ka soo horjeedaan in wax laga beddalo qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb ee u dhaxeeyay sedexda maamul Goboleed iyo Madaxweynaha dawladda Federaalka.

Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho ku sugan ku dhowaad todobaad Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo horay aan uga qaybgalin shirkii Dhuusamareeb ee lagu gaaray heshiiska doorashada dalka ka dhaceysa.

Waxaa muuqata in maamul Goboleedyada qaar aysan isku aragti ka ahayn in wax laga beddelo qodobadii heshiiskii Dhuusamareeb .