Madaxweynayaasha Soomaalya iyo Jabuuti oo Dhagax Dhigay Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga

229

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay xarunta cusub oo ay yeelanayso Akadimyada Soomaaliyeed.

Xarunta Cusub ee Akadimyada ee lagu dhagax dhigay ayaa ku taala Degmada Shangaani ee Gobolka Banadir,waxaana si rasmi ah u dhagax dhigay labada Madaxweyne. Intaasi kadib ayaa wafdiga u gudbeen xarunta ay munaasabadda ka socoto ee Huteelka City Palace.

Goobta munaasabadda ka socota waxaa kusugan madax kala duwan oo ka qaybgalaya unaasabadda Maalinta Afka Hooyo.

Prof Maxamed Daahir Afrax, Gudoomiyaha Akadimiyo Goboleedka Afka Soomaaliga oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in ay tahay maalin weyn in maanta ay Muqdisho ay ka dhacdo,waxa uuna intaasi ku daray in Akadimya Goboleedka Soomaaliga maanta lagu dhagax dhigay Muqdisho loona doortay in ay noqon doonto xarunta maadaama Afka Soomaaliga lagu qoray Muqdisho.

Gudoomiye Maxamed Daahir Afrax ayaa u mahadnaqay madaxda Soomaalida oo ugu horreeyo Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweyanha Soomaaliya, Mudane Xasan Sh Maxamuud iyo Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Ethopia, Mudane Cabdui Maxamuud Cumar.