Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharciga Doorashooyinka Qaran

161

Muqdisho (XT) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo xalay ka qeybgalay munaasabadda xirifaanka kalfadhiga  6-aad ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya  ayaa saxiixay Sharciga Doorashooyinka Qaran ee heer Federaal oo ay dhowaan ansixyeen labada Aqal.

Madaxweynaha oo ka qaybgalayay xaflad lagu soo xirayay kalfadhiga lixaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa saxiixay sharciga doorashooyinka oo in muddo ah horyaallay.

Munaasabada uu ka saxiixay sharciga waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, guddoomiyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare,xildhibaano, wasiiro,maamulka gobolka Banaadir iyo qaybaha kala geddisan ee bulshada.

Nuuca ay doorashadu noqojeyso ayaa in muddo ah waxaa ka taagnaa dood, waxaana sharciga la meel mariyay inkasta oo ay ka soo horjeedaan saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya qaarkood, uu haddana noqonaya sharcigii ugu horreyay tan iyo burburikii dawladdii dhexe oo dadka kaalin ka siinaya doorashada dhaceysa.