Madaxweyne Galeyr oo ku baaqey in la aqoonsado Khaatumo

180

Khaatumo

Madaxweynaha cusub ee maammulka Khaatumo, Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa ugu baaqey masuuliyiinta dawladda dhexe ee Soomaaliya inay taageero iyo aqoonsiba siiyaan maammulkiisa, maadaama markasta ay Khaatumo u taagan tahay midnimadda iyo wada jirka Soomaaliya.

Dhinaca kale Cali Khaliif Galeyr ayaa ku dhawaaqay inuu isaga baxay xubinnimaddii golaha shacabka ee Soomaaliya. 

Galeyr oo horey ra’iisalwasaare uga soo noqday dawladdii KMG-ka ahayd ee Soomaaliya sanadkii 2000 ayaa ku guuleystay xilka uu kula tartamay Maxamed Yuusuf Indhosheel oo maammulkaasi hoggaamin jiray, ka dib doorasho ka dhacday deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool, waxaana sidoo kale la doortay madaxweyne ku xigeenka maammulka Khaatumo.

Khaatumo ayaa labbo sano ka hor ku dhawaaqday inay guud ahaan ka go’day Somaliland iyo Puntland, oo weli ku muransan aayo ka talinta gobolladda Sool iyo Sanaag.