Madaxweyne Geele oo lagu wado in uu gaaro Beledweyn Saacadaha Soo socdo.

223

Magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda qaban qaadba soo dahwaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudame Ismaaciil Cumar Geele,Garoonka Diyaaradaha ee Beledweyn ayaa waxaa ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha Amisom gaar ahaan ciidamada Hiil Walala ee ka socda Wadanka Jabuuti.

Horay waxaa Gobolka Hiiraan u gaaray taliyaha ciidamada Jabuuti oo u kuur geliyay xaaladaha Gobolka iyo doorka ciidamada Jabuuti ee ka socda Gobolkaasi,

Madaxweyne Wadanka Jabuuti oo xalay seexday Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa in uu booqandoono xarumaha ciidamadu deganyihiin iyo sidoo kale goobo muhiim ah oo kuyaala Magaalada Beledweyn,waxaa si aad ah loo adkeeyay amaanka oo waxaa lagu arkayaa magaalada gudaheeda ciidamada Dowaldda Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti oo iska kaashanaay hubinta amaanka Magaalada Beledweyne.