Madaxweyne Geele oo lagu wado in uu gaaro Magaalada Beledweyn.

204

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in ay socoto qaban qaabada diyaar garow loogu jiro soo dhaweynta Madaxweynaha Jabuuti oo xalay seexday Muqdisho.
Garoonka Diyaaradaha ee Beledweyn waxaa ku sugan Maamulka Gobolka iyo saraakiisha ciidamada Soomalaiya iyo kuwa Jabuuti oo sugaya Madaxweyne Geele iyo Wafdiga la socda.

Ciidamada Amaanka ayaa saakay waxa ay adkeeyeen Amaanka Garoonka iyo gudaha Magaalda waxaana lagu wadaa in uu tago xarumaha ciidamada Jabuuti ay ka deganyihiin Magaalada Beledweyn,waxaana sidoo kale uu tegi doonaa goobo muhiim ah oo ku yaala Beledweyn.

Waa markii ugu horeesay oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele uu tagaa Magaalada Beledweyn oo hadda ay ka howlaan ciidamada Jabuuti oo qayb ka ah Howlgalka Amisom,iyada oo Dadka gobolkaasi degana ay ugu yeeraan Hiil walaal.