Madaxweyne Geelle oo Dadka reer Hiiraan ugu yeeray ka shaqaynta Nabadda.

229

Madaxweyanha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweyanah Soomaaliya Xasan ShiikhMa xamuud oo gaaray Gobolka Hiiraan ayaa halkaasi waxa ay kula hadleen ciidamada Wadanka Jabuuti ee kusugan Gobolaka Hiiraan.

Madaxweyanha Wadanka Jabuuti Ismaaciil Cumar geelle ayaa soo hadalqaaday doorashada in ciidamada Jabuuti ay ka howlgalaan Gobolka Hiiraan, ay xilligaasi loo arkayay arin adag oo aan sahlanayn,balse uu u doortay in goboladii ugu horeeyay ee Soomalaiya uu ka midyahay Gobolka,sidoo kalana ay tahay Gobol weyn oo taariikh wanaagsan leh sidaasi darteedna uu aad ugu faraxsanahay in gobolka uu maanta yimaado amaankuna uu fiicanyahay.

Madaxweyne geelle ayaa waxa uu aad wax looga xumaado ku sheegay in Dadka deegaanka dagaal uu dhxmaro ayna kutahay nabar xanuun badan waxa uuna ka dalbay Dadka degan Gobola Hiiraan in ay qaataan nabadda “Waxaan idiin ahay Marti waxaana lasiiyaa martida waxa ay doonaayaan waxaan idin ka doonayaan nabadda”ayuu ku yiri Madaxweyne Geelle.

Madaxweyanah Jabuuti ayaa sidoo kale waxa uu Dadka ugu dar daarmay in ay marwalbaa ay xoogga saaraan wada xaajoodka xabaddana layska dhigo si ay u noqdaan Dad aan isdilin wixii gacan ahna ay ka gaysanayaan.