Madaxweyne Ku Xigeenka Afghanistaan Oo Qarax lala Eegtay

60
Amrullah Saleh (ehem. Leiter des National Directorate of Security, Afghanistan)

 

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay caasimadda dalka Afghanistaan oo lala beegsaday Madaxweyne ku xigeenka Afghanistaan Amrullah Saleh. Qaar ka mid ah ilaaladiisa ayaa ku dhintay weerarka.

Amrullah Saleh oo horay u ahaa taliyihii heyadda sirdoonka ayaa ka badbaaday qaraxa isaga oo ay soo gaareen dhaawacyo fudud.

Weerarkaan ayaa imaanaya iyada oo dawladda Afghanistaan iyo Daalibaan ay diyaargaroow ugu jiraan wadahadaladii ugu horreeyay ee dhexmara labada dhinac oo ka dhacaya magaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Amrullah ayaa lagu yaqaan in uu si weyn uga soo horjeedo kooxda Daalibaan, hase ahaate kooxda Daalibaan ayaa iska fogeysay eedda weerarka oo ay beeniyeen inay fuliyeen.

Madaxweyne ku xigeenka Afghanistaan oo gacanta ka gubtay ayaa wacad ku maray in uu halkiisa ka sii wadi doono hawlihiisa siyaasadeed.