Madaxweyne Obama oo Booqasho ku Tagaya Kenya

Photo/AFP

 

Photo/AFP
Photo/AFP

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa qorsheynaya inuu booqasho in badan la sugayay uu ku tago dalka Kenya bisha July ee soo socota, asagoo booqanaya dhulka aabihiis uu ka soo jeedo markii ugu horeysay tan iyo markii uu Madaxweyne ka noqday Mareykanka sidaas waxa ku dhawaaqay Aqalka Cad ee Mareykanka.

Mr. Obama  ayaa ka qeyb gali doono inta lagu guda jiro boqashadiisa shir ku saabsan dhiirigelinta Ganacsiga isagoo sidoo kalena la kulmi doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Obama ayaa afar jeer oo horre booqasho ku tagay wadamada Afrika ee Saxaraha ka hooseeya tan iyo markii xafiiska uu qabtay 2009, Lakiin inuu booqasho heer madaxweyne ku tago Kenya waxa ka hor istaagay fadeexado siyaasadeed oo Kenya hareeyay.