Madaxweyne Trump Oo Lagu Dhaliilay Hadallo Gaf ku ah Ciidanka Maraykanka

53

Madaxweyne Trump ayaa wajahaya dhaleeceyn ka dhalatay warbixin lagu faafiyay warbaahinta qaar oo sheegtay in uu ku jeesjeesay askartii Maraykanka uga dhimatay dagaalada.

Trump ayaa sida ay qortay majaladda Atlantic waxa uu askarta ku tilmaamay kuwa faashiliin oo qalbiga laga xaday.

Arrintaan ayaa timid xilli Trump uu gacan yare yaashiisa qaar kala hadlayay ka qaybgalka xuska maalinta rugcaddaayaasha halkaa oo uu booqan lahaa qabuurahooda.

Dhinaca kale Madaxweyne Trump iyo taageerayaashiisa ayaa beeniyay in uu gafay ciidanka Maraykanka, iyaga oo ku tilmaamay been abuur.

Ciidamada rugcadaayasha ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee weerara Trump markii uu bannaanka yimid wararka sheegaya in uu gafay ciidanka .

Erayada gefka ku ah ayaa dadka siyaasadda falanqeeya waxay leeyihiin waxay galaafan kartaa damaciisa in mar labaad tartamo .

Doorashada bisha November dhaceysa ayay saameyn ku yeelan kartaa Trump hadalada meel ka dhaca ku ah ciidanka Maraykanka.