Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaq u diray bulshada

200

Madaxweyne

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xarakada Shabaab ay qarka u saaran tahay in lagu jebiyo dagaalladda socda ee iminka lagula jiro urrurkaasi, wuxuuna sidoo kale ka codsaday bulshada in aysan garab iyo gabaad u noqon Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo soo hadal qaaday kaalinta waalidiinta ayuu markale ugu baaqay in carruurtoodda la marin habaabiyay ay kala soo haraan Shabaab.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa soo baxaya xilli dhawaan wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Reuters uu ku dhawaaqay in hawlgelkii ugu weynaa oo ay wadajir u fuliyaan ciidamadda nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dawladdu uu billaan doono maalmaha soo socda si buu yiri madaxweynuhu looga saaro xarakada Shabaab deegaanada ay ku harsan yihiin ee Soomaaliya.