Muqdisho (Xaqiiqa Times): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabey Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal oo dib u habeyn kooban lagu sameeyay xubnihiisa sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay faafisay Madaxtooyada Soomaaliya
Guddigan ayay qaar kamid ah musharrixiinta xilka madaxtinimo u taagan iyo qeyba kamid ah bulshada hore uga biya diideen iyaga oo tilmaamay in dad siyaasiyiin ah lagu soo daray liiska kuwaasoo han ka leh in ay dib u helaan kuwarasta ay haatan ku fadhiyaan.
Guddigan ayaa waxaa uu ka kooban yahay 22 xubnood oo magacyadooda ay hoos ku xusan yihiin:
- Cumar Maxamed Cabdulle
2. Mustaqiim Wayd
3. Maxamed Kaynaan
4. Saciid Jaamac Cali (Qoorsheel)
5. Nafisa Geeddi Santuur
6. Maxamed Cali Diiriye
7. Cabdiraxmaan Sheekh Mucaawiye
8. Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf
9. Saciido Maxamed Musciid
10. Aweys Abuukar Sokorow
11. Sahra Cabdi Xuseen Jaamac
12. Burhaan Cilmi Xirsi
13. Cabdicasiis Sheekh Xuseen Dayib
14. Cabdulllaahi Cali Aadan Garoon
15. Salaad Cali Ibraahim Catoos
16. Aadan Cabdinaasir Maxamed
17. Cabdullaahi Salaad Yarow
18. Yaasiin Cabdi Jaamac
19. Axmed Maxamed Saciid
20. Fardowsa Maxamed Ducaale
21. Aamina Cabdullaahi Dheeroow
22. Raaxo Maxamed Janaqow
Xeerkan cusub ayaa lagu sheegay in la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub.
Guddigan waxaa hawshiisu noqon doontaa dejinta qorshe hirgelin oo faahfaahsan iyo jadwalka doorashada iyo inuu ku dhawaaqo taariikhda ay dhacayaan doorashooyinka sannadka 2016.
Si kastaba ha ahaatee, ka saarista liiskan ee xubnaha xildhibaannada iyo wasiirrada ahaa ayaa muujineysa in masuuliyiinta ugu sarreeysa ee dalka iyo xubnaha madasha wadatashiga qaran ay garawsadeen inaan loo baahneyn in siyaasiyiin huguri kaga jiro hanashada xilal ka ay qabtaan dowladda lasoo dhisi doono in lagu daro liiska.