Madaxweyne Xasan oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Netherlands

220

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa Danjiraha Boqortooyada Netherlands ee arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Joost Reintjes.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta Xariirka ka dhaxeeya labada Dowladood iyo sidii loo sii wadi lahaa iskaashi ka dhaxeeya Dowaldaha Soomaaliya iyo Netherlands.
Madaxweyanha Soomaaliya ayaa u sheegay Safiirka Dowladda Netherlands in Dowladda Soomaaliya ay soo dhawaynayso barnaamijyo ay ka midyihiin Maalgashiga,dhiirrigelinta ganacsiga iyo taageerada Dowladda Soomaaliya ay siiso Dowladdiisa.
Danjire Reintjes oo isna halkaasi ka hadley ayaa sheegay in Dowladdiisa ay wadashaqeyn buuxda la yeelaneyso Soomaaliya, isla markaana kaalin muuqata ka qaadan doonaan mashaariicda kala duwan ee horumarinta iyo kuwo kaleba si ay u hubiyaan garab isataga Soomaaliya.