Madaxweyne Xassan Sheekh waxaan diyaar u ahay in la hadlo Qof walba oo wax tabanaya

266

MADAXWEYNAHA

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay hadalkii ka soo yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka ee ahaa in Madaxweynaha is casilo, isagoo cadeeyay inuu qadarinayo ra’yiga qofka Soomaaliyeed uu leeyahay.

Xasan Sheekh Maxamuud oo culeys siyaasadeed kaga imaanaya xubnaha Baarlamaanka ayaa ku baaqay in la qiimeeyo waxqabadka hey’adaha dowladda, iyadoo aan la sAad iyo aad baan u xushmeynayaa una qadarinayaa ra’yiga qofka Soomaaliga ah haddii uu yahay siyaasi ama qof shacab ah labaduba, qofku in uu ra’yigiisa cabiraa waa wax aad u fiican, waan ku faraxsanahay in maanta si xuriyad ah loo hadli karo dadkuna ay ra’yikooda cabiri karaan, waxay hormuud u tahay xoriyadda iyo Dowladdnimadda meesha aan ka gaarnay laakin waxaan leeyahay ra’yi kasta oo la cabirayaa waxa uu leeyahay meel lagu cabiro iyo si loo cabiro”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaan leeyahay afkaarta waa xor,. Madaxweynaha Jamhuuiriyadda federaalka Somaaliya ahaan waxaan diyaar u ahay inaan la fadhiisto cid kasto oo Soomaali ah oo tabasho qabta oo aan dhageysto tabashadooda cid kasto Soomaali ah oo rayi Soomaaliya lagu horumarinayo heysana in aan ka dhageysano oo aan ka qaadano ayaan diyaar u nahay. Dhaqanka Dowladdnimadda aan ilaalino waliba Dowladnimadda dhaxdeeda aan ku ilaalino”.

Waxaan sidoo kale soo dhaweynayaa in qiimeyn dhab ah la qiimeeyo Waxqabadka Dowladda gaar ahaan hey’adaha Dowladda iyadoo aan la siyaasadeyn. Soomaaliya meelbey ka timid meel ayeyna u socotaa, Soomaaliya Dowlad ayey yeelatay Dowladdnimaduna waa sii xoogeysaneysaa”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si ka duwan sidii hore shalay loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, iyadoo soo dhoweyntan u muuqatay fariin siyaasadeed uu Madaxweynuhu u dirayay xubnaha Baarlamaanka ee ka soo horjeeda.

www.xaqiiqa.com