Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray

113
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo gaaray magaalada muqdisho.

Madaxweynihii hore ayaa ka soo kicitiamy dalka Turkiga , halkaas oo uu degganaa tan iyo wixii ka danbeeyay doorashadii looga guuleystay ee dhacday sannadkiii 2017ka.

Wasiiro, xildhibaano laba aqal iyo masuuliyiin kale ayaa madaxweynihii hore kusoo dhaweeay magaalada Muqdisho.

Ma cadda sababta uu dib ugu soo noqday madaxweynihii hore  ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo in muddo ah deggan dalka Turkiga.

Waa booqashadii ugu horreeysay ee madaxweynihii hore uu ku yimaado dalka Soomaaliya tan iyo intii  dalku yeeshay maadxweyne kale.