Magaalada Gaalkacyo oo looga dhawaaqay Urur Ardayda Jaamacadaha Gobalka Mudug ay ku Midaysanyihiin

197

Xilli dhawaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ay kulan isku yimaadeen ardyada dhigta jaamacadaha ku yaala magaalada gaalkacyo islamrkaana ay sameysteen ururka ay ku mideeysan yihiin ayaa haddane kulan maanta lagu qabtay gaalkacyo waxaa lagu soo bandhigay qorshah uu hiigasnaayo ururkaani cusub iyo soo bandhigta madaxda ururuka .

Ururka ay ku midoobeen ilaa 5 ka mid ah jamacada ku yaala Gaalkacyo ayaa waxaa firka lagu aas aasay laheyed xarunta taag fonditon ee fadhigeedu yahay magaalada Gaalkayo iyadoona horay uu ururkaasi u balan qaaday sidii ay u soo saari lahayed dhalanyaro qeyb ka qaata dhinacyada hormarka gobolka mudug .

Ururka Maanta lagu soo bandhigay magaalada Gaalkayo ayaa waxaa lagu magacaabaa guya iyadoona ay ka soo qeyb galeen munasabada masuuliyiinta Gobolka mudug kan waxbarshada bahad caafimaadka Madaxda Taag Fondition iyo marti sharaf kale ee lagu casuumay munaasbadaasi

Masuuliyiinta Ururka Maanta Lagu Soo Bandhigay Gaalkacyo ayaa sheeegay in ay ka qeyb qaadanayaan Hormarka Gobolka Mudug waxeyna ugu baaqeen cid kasto oo ku nool Gobolka mudug in ay ka qeyb qaataan hormarka

Caasha Geelle Diiriye Oo Ah Gudoomiyaha Ururka Taag Founditon Oo Goobta ka hadashay ayaa sheegay in ujeedka ay u aas aaseen ururkani uu yahay sidii uu uga qeyb qaadan lahaa hormarka gobolka iyo ka shaqeynta Amniga

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxmed Yuusuf Jaamac Tigey Oo Ina Goobta Ka Hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in dhalanyarada Gobolka Mudug ay u kacaan Hormarka Magaalada Gaalkacyo wuxuuna sheegay in ka maamul ahaan ay garab istagi doonaan Madaxda Ururkani Cusub.
www.xaqiiqa.com
qore:Ramla Aweys