Mahad Cabdalla Cawad oo ku guulaystay Gudoomiye ku xigeenka 2 aad ee Baarlamaanka

501

Mahad Cabdalla Cawad ayaa noqday mar kale Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka dalka, kadib markii uu ka adkaaday C/qaadir Baqdaadi.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa soo gaba gabeeyay Doorashada Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Somaliyed iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka dalka.

Faarax Sheekh C/qaadir oo looga guuleystay Kursiga Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka ayaa la hadlay Xildhibaanada, wuxuuna ka mahad celiyay intii taageertay ee codadka siisay iyo intii aanan siinin intaba.

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa sheegay codadka Xildhibaanada inaysan ka fogeyn, wuxuuna halhees ka dhigtay codka in la geeyay Xaafada oo meel fog aanan la geynin sida uu yiri.

Baarlamaanka Somaliya ayaa shalay doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka, waxaana loo doortay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, iyadoo maantana la doortay Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka dalka.