Mahad Cabdalla Cawad oo lagu doortay Muqdisho

335

Mahad Cabdalle Cawad gudoomiye ku xigeenkii Baarlamaankii Waqtigiiso dhamaaday ayaa  maanta ku guuleystay doorashada Aqalka Hoose ee beeshiisa oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ka dib markii laga soo wareejiyay degaanada Maamulka Puntland.

Mahad Cabadalla Cawad ayaa waxaa la tartamaayay Xasan Maxamed Nuur oo helay 1 cod.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa helay 50 cod.

Waxaana uu xaqiijiyay in uu ku guuleystay doorashada Aqalka Hoose ee Beeshiisa.

Doorashada Aqalka Hoose ee beelaha Banaadiriga ayaa ka bilaabay Muqdisho.

Maata waxaa qorshuhu uu yahay in la doorto labo xubnood, ayadoo mid ka mid ah xubnahaasi la doortay.

Waddooyinka Ku dhow goobaha doorashada ayaa xiran.

Ciidamo faro badan oo kuwa dowladda ah ayaa lagu arkayaa inta u dhaxaysa Xamar-wayne ilaa goobta doorashada