Malaysia oo ciidamo u soo diraysa Soomaaliya

361

somalia-aid-1703-620x381

Dowladda Malaysia ayaa sheegtay in ciidamo ay u soo diri doonto Soomaaliya kuwaasi oo qayb ka noqon doona barnaamijka bani’aadanimo ee ka socda Soomaaliya, ayadoo dalka ay kajiraan abaaro ba’an oo sababay dhimasho badan .

Wasiirka Gaashandhiga dalka Malaysia Datuk Seri Hishammuddin Tun Hussein ayaa sheegay in ciidamada marka hore ay u diri  magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudi carabiya.

Arimahan ayaa yimid ka dib markii heshiis uu dhexmary dowladaha Soomaaliya iyoMalaysia, ayadoo shir uu dhexmaray Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib iyo mas’uuliyiinka wasaarada Gaashandhiga dalka Malaysia.

Hishammuddin, ayaa sheegay in ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya uu dowlada Malaysia ka  codsaday in Soomaliya ay u soo diraan  Deeq dawo raashin iyo ciidamo ka qayb qaadanaya barnaamijka bani’aadanimada dalka Soomaaliya ka jira.

Malaysia waxaa ay sheegtay in 3 Sarkaal iyo 17 askari oo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee dalka Malaysia inay Soomaaliya u soo diri doonaan.