Maqaal: Ma is difaac mise Sharci?

621

maqaaaaaal

Axadii la soo dhaafay ayay aheyd markii Wasiir Xoosh uu ka cudur daartay inuu hortago xildhibaanada oo shir ku lahaa xarunta golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayadoo maalmo ka horeeyay baarlamaanku uu u yeeray Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya .

waxaana baaqashada Wasiirka  ka dhashay muran Xildhibaanada ku kala qeybsameen go’aanka laga gaarayo.

Wasiirka ayaa la sheegay in gudoonka golaha uu u gudbiyay warqad uu ku waydiisanayay inay fasaxaan, isagoo sheegay in baarlamaanka uu hor imaanayo 11-ka bishan Agosto.

Waxaa wararku ay sheegayaan in xildhibaanada qaarkood ay taas u arkeen in wasiirka uu ka dhega adeegayo in Baarlamaanka looga yeeray.

Wasiir Xoosh ayaa la sheegay in  xilligan uu ka maqan  yahay dalka isagoo la sheegay in xaalad caafimaad u aaday dibadda.

Lama  oga  go’aanka Baarlamaanka uu qaadan doono, hase ahaate waxaa arintan ay tahay mid aan kusoo aadin waqti munaasab ah, sida ay qabaan siyaasiyiinta qaar ayagoo sheegaya in xiligan aysan ahayn waqti baarlamaanka iyo golaha fulinta ama xubin ka tirsanba ay is qabqabsadaan.

Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa maalmihii la soo dhaafay qoraalo uu soo dhigayay bartiisa bulshada ku weerarayay Baarlamaanka, taasoo xiisada u dhaxeysa wasiirka iyo Baarlamaanka sii murjisay..

Maxay tahay arrinta ka dambaysay isku dhaca siyaasadeed ee ka dhex taagan wasiir Xoosh iyo Baarlamaanka?

Dadka sharciga dowliga ah ku takhasusay ayaa si wayn uga hadlay arintan ka dhex taagan wasiirka Dastuurka iyo Baarlamaanka taasi oo ka dhalatay wasiirka oo ka hor yimid go’aan Golahu ay ka gaareen Muran ka taagnaa 8 kursi Baarlamaan oo horay guddiga Doorashada ay u go’aamiyeen in doorashadooda lagu laabto, go’aankaasi oo maxkamadda sare ay ku raacday.

Waxaa sharci yaqaanadu ay sheegeen in tani ay tahay mid wax u dhimaysa dowladnimada dalka, baarlamaankuna uusan awood u lahayn inay laalaan go’aan ka soo baxay maxkamadda Sare ee dalka oo ah hay’ad Dastuuri ah oo ugu wayn dal kasta.

Arintan ayaa la mooday mid xildhibaanadu ay isku difaacayaan islamarkaana sharci ahaanteeda shaki wayn la galiyay.

Maamul gobaleedyada qaarkood sida Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa xildhibaanadooda waxaa ay taageereen go’aanka doodda badan dhaliyay ee xubnaha golaha Shacabka ay ku laaleen go’aanka Maxkamadda Sare ee dalka.

Siddeeda Kursi ee maxkamaddu ay amartay in doorashadooda lagu laabto ayaa inta badan markii hore laga soo doortay xarumaha maamul gobaleedyada K/galbeed iyo Jubaland waana midda keentay inay taageeraan go’aanka baarlamaanka Soomaaliya uu ka gaaray arintaas oo ah in doorashadooda aan lagu laaban doonin.

Marka arrimo sharciga  ku saabsan lagu murmo waa kuma cidda iska leh go’aanka kama dambaysta ah? Ma Baarlamaanka ama Maxkamadda Sare?

Jawaabta su’aashan ayaa ah  midda wali aan la helin, hase ahaatee haddii Soomaaliya ay ka jirto Dimuquraadiyad waxaa jawaabta su’aashaasi ay ahaan lahayd waa Maxkamadda Sare! Laakiin marka hore xalka rasmiga ah waa in laga hesho Dastuurka KMG ah ee dalka.

Waajibaadka Baarlamaanka Soomaaliya

  • In Sharciga dalka uu dajiyo
  • In sharci horay u jiray ay u laalaan
  • In dib u eegis uu ku samayn karo shuruucda dalka
  • In uu la xisaabtamo xukuumadda sidoo kale wasiirada kalsoonida kala noqon kara sidoo kalena codka kalsoonida uu siin karo
  • In Wasiirka koowaad ay sidoo kale codka kalsooni kala laabasho ay u qaadi karo

Iyo waliba wajibaad faro badan oo Baarlamaanku uu haysto dasuuri ahaan.

Intaasi oo dhan oo jira hadda Go’aanka kamadamaysta ah cidda iska leh waa Maxkamadda Sare. Hadii aan tusaale dhow aan usoo qaadano isbuucii lasoo dhaafay maxkamadda Sare ee dalka Pakistan ayaa shaqada ka eriday Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Nawaz Shariif.

Mr. Nawaz Sharif doon la’aan ayuu xilka u baneeyay.  Nawaz ayaa lagu eedeeyay arrimo la xiriira Musuqmaasuq taasi oo ka dhalatay Fadeexadii sumcad daro badan ku riday hogaamiyaal badan ee la magic-baxday [Panama peppers]

Arintaasi ayaa loo arkay inay tahay bislaansha dimuqraadiyadeed ee uu ka talaabsaday dalkaasi Pakistaan oo ah dowlad ka mid ah duwalka Islaamka walibana ka mid ah quwadaha ku hubaysan Hubka dunida looga baqdiinta badan yahay ee loo yaqaano Nuclear –ka.

Si kastaba ha ahaatee dadka odorasa siyaasada ayaa aaminsan in Ra’iisul Wasaare Kheyre ay tani u tahay imtixaan siyaasadeed, hadii ay dhacdo in Baarlamaanka uu codka kalsoonida kala laabto Wasiir Xoosh, taasoo ah arrin culeyskeeda wadata, ugu dambeyna keeni karta mowjado Xukuumaddiisa ku furanto.

Dagaalkan siyaasadeed ee ka dhex taagan wasiirka Dastuurka iyo Baarlamaanka yaa ku guulaysan kara? Jawaabta ayaa ah mid iska cad waayo wasiirku waxaa ku filan in baarlamaanku kalsoonida kala noqdo, hase ahaatee dagaalka miyuu ku dhamaanayaa halkaasi? Waa maya maxaa yeelay arinta aas-aaska u ah khilaafkan siyaasadeed ayaa ahaan doona mid sii taagnaada.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa isagu dhankiisa cadeeyay in uusan jirin cid laali karta go’aan kasoo baxay maxkamadda Sare ee dalka.

Baarlamaanku miyaa ka guulaysan karaa Maxkamadda Sare Sharciyad intee la eg ayuu se u haystaa inuu la xifaaltamo maxkamadda Sare?

W/Q Cumar Maxamed Cosoble

Fikradaha ku xusan maqaalkan waa mid u gaar ah qoraaga Maqaalka kamana turjamayo siyaasadda Tafaftirka Xaqiiqa Times