Maraykanka aan ogolayn AMISOM la hoos geeyo QM

180

Wakiil ku xigeenka Mareykanka ee Qaramada Midoobey Michele J. Sison, ayaa sheegtay in Mareykanka uusan raalli ka ahayn in AMISOM la hoosgeeyo Qaramada Midoobay.

Waxa ay soo jeedisay in AMISOM ay shaqadeeda wadato Midowga Afrikana ka qabsado howshiisa Soomaaliya, waxaana ay bogaadisay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee dagaalka kula jira Shabaab.

Michele J. Sison,ayaa sheegtay in Mareykanka uu taageero qalab iyo farsamo ahba la garab joogo AMISOM, sidaas darteedna aysan sax ahayn in iyaga oo guul ku dhaw in laga wareejiyo Midowga Afrika.

Waxaa ay tiri “waxaan rumeysannahay in AMISOM aysan waligeed joogeyn Soomaaliya, Soomaaliya ayey tahay in ay hannaankeeda dowladnimo dhisato, sameysato ciidan xoog leh oo kaga filnaada Al-shabaab Dowladda Mareykankana wey ku taageereysaa.”

Waxa ay sheegtay in Shirka London ee Bisha May ka dhici doona uu fursad muhiim ah u yahay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya loona baahan yahay in ay kulankaas uga faa’ideysato waxa laga yeelayo dhismaha Ciidanka Soomaaliya halkaas oo ay taallo fursad ay isku arkayaan saaxiibada Soomaaliya oo dhan.

Fekerka ah in Qaramada Midoobay la hoos geeyo ciidamada AMISOM, waxaa markii hore soo jeediyay dowladda Kenya oo ka mid ah hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.