Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay Lacagtii dowladda Itoobiya ay ku siinjirtay la dagaalanka Xarakada Al-Shabaab.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in gabi ahaan la hakiyay lacagtaasi maadaama aysan jirin dagaal Muuqda oo ay dowladda Itoobiya ay kula jirto Al-Shabaab.
Donald Trump ayaa sidoo kale Muujiyay sida ay muhiim u tahay in laga taxadaro dhaqaalaha lagu bixinaayo Al-Shabaab, isagoona balan qaaday in taageero buuxda la siin doonto Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.
Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Meesha laga saaray lacag dhan $150,000 oo Doollar ah oo uu mareykanka bil kasta u ku siinjiray Itoobiya dagaalka Al-shabaab.
Lacagtaasi ayaa Sanadkii dhan $1.8 Milyan oo Doollar.