Maraykanka oo ka baxay heshiiskii Cimilada Adduunka ee Paris

339

USA-wallpaper-1

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa  shir jaraa’id uu ku qabtay Aqalka Cad ayaa sheegay in dalkiisu uu ka baxayo heshiiska Paris ee cimilada.

“Si aan u oofiyo waajibaadka iga saaran Dalka, ilaalinta America iyo muwaadiniintiisa waxaan halkan uga dhawaaqayaa in Maraykanka uu baxay heshiiska caalamiga ah ee Paris.”ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Mr Trump Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu wadahadalo kale uu dib u geli doono si heshiis wanaagsan loo gaaro.

Dalka Maraykanka ayaa ah dalka labaad ee dunida ugu badan ee qiiqa ku sii deeya hawada marka laga soo taago dalka Shiinaha.

Wadamo badan oo caalamka ah ayaa cambaareeyay warka ka soo yeeray Madaxweyne Madaxweynaha Maraykanka kaasi oo  xilligii uu ku jirey ololahiisa doorashada sanadkii 2016kii  uu ballanqaaday in uu Maraykanka ka saarayo  heshiiska cimilada caalamka ee loo yaqaano Paris accord.

Dalka Maraykanka ayaa waxa uu ka mid ahaa 195 tii Wadan oo saxiixay heshiiska Caalamiga ah ee Paris bishii December 2015.

Hase yeeshee waxa uu Maraykanku hadda ku biirey wadamada Syria iyo Nicaragua oo hore heshiiskaas gaashaanka Ku dhuftay.

Madaxwaynihii hore ee dalka Maraykanka Barrack Obama ayaa wax laga xumaado Ku tilmaamay go’aanka ka soo baxay maamulka cusub ee Maraykanka ee uu maamulo xisbiga Jamhuuriga.

Saynisyahnada Caalamka ayaa sheegay in cimilada Adduunka ay sii kulnaanayso haddii aan la dhimin Qaaca ka baxa warshadaha.

Hawada wasaqaysan ayaa halis ah Ku ah malaayiin ka mid ah 7billion ee Caalamka Ku nool, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dalalka ugu badan ee hawada wasaqeeya ayaa waxaa Hogaaminaya Shiinaha, Hindiya iyo Maraykanka.