Maraykanka oo markale weeraray Shabaab

190

An Al Shabaab soldier carries a rocket-propelled grenade as he patrols along the streets of Dayniile district in Southern MogadishuSida lagu xaqiijiyay war qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka waaxda difaaca ee Pentagon, ciidamadda Maraykanka ayaa fuliyay weerar ka dhan ah Al-shabaab, kaasoo lala beegsaday goob lagu tuhmayo inay ku sugnaayeen madaxda ururkaasi oo ku taala duleedka magaalada Baraawe.

“Waxaanu qiimeynaynaa natiijada hawlgalka, wixii macluumaad dheeraad ahna dib ayaanu ka shaacin doonaa xilliga ay macquulka tahay,” Ayuu yiri John Kirby oo ka mid ah admiraalada heerka dhexe ee Maraykanka.

Diyaaradaha duuliye la’aanta Maraykanka ee Drones-ka ayaa inta badan adeegsada saldhigyo waaweyn oo ay ku lee yihiin Itoobiya iyo Jabuuti oo xudduuddo la leh Soomaaliya.

Saraakiisha Pentagon waxay horrey u shaaciyeen in ciidamo aan tiro badnayn iyo koox la taliyeyaal ah ay u direen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho si ay gacan uga geystaan hawlgallada ciidamadda Midowga Afrika ay kula jiraan Shabaab.

Dawladda Maraykanka ayaa ku dartay Shabaab ururada argagixisada ee caalamka waxayna dhawr jeer bartilmaameedsatay hoggaamiyeyaasha xarakadaasi qaarkood.