Maraykanka oo sheegay inuu barayo duqayntii Gaalkacyo.

226

War qoraal ah oo ka soo baxay howl-galka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu si dhaw ula Shaqeynayo dowladda Federalka Somalia iyo Maamul gobaleedyada  Galmudug iyo Puntland, si looga Hadlo Duqeyntii 28-kii Bishii September ay Mareykanku ka geysteen Bariga Magaalada  Gaalkacyo.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inuu Mareykanku ka war-hayo Wararka ku saabsan dhimashada iyo dhaawaca duqeyntaas ka dhalatay, isla markaana uu qaatay eedeymaha loo soo jeediyay.

Wasaarada Gaashaandhigga Mareykanka [Pentigon] ayaa horay u sheegtay inay billowday baaritaanno ku aaddan duqeyntaas, isla markaa a ay qiimeyn ku sameynayso caddeymaha la xiriira duqeyntan Mareykanku geystay.

Danjiraha Mareykanka ee Somalia ayaa Bishaan Oktoobar Muqdisho Kulamo kula yeeshay odoyaasha, Hogaanka sare ee bulshada Koonfurta Galkacyo iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

“Mareykanku wuxuu doonayaa inuu hormariyo xiriirka wada-shaqeyneed ee ay la leeyihiin ciidamada Amniga Galmudug iyo kuwa Qaranka Somalia si loola dagaallamo Al-shabaab” ayaa lagu yiri warkaasi.