Maraykanka: waa xaqiiq geerida Godane

260

Godane in the Somali mapSaraakiisha waaxda difaaca Maraykanka ayaa markii ugu horreysay shaaciyay in Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan ‘Abuu Zubeyr’ ay ku dileen weerar loo adeegsaday diyaaradaha duuliye la’aanta Drones-ka, kaasoo Isniintii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalo xeebeedka Baraawe ee gobolkaasi Sh/hoose, waxayna sheegeen in dhankooda dhimashada hoggaamiyaha Al-shabaab ay guul taariikhi ah u tahay waxay ugu yeereen ‘dagaalka lagula jiro argagixisada geeska Afrika iyo guud ahaan Al-qaacida’ iyaga oo markale ku celiyay inay sii wadi doonaan taageerada ay u fidiyaan dawladda Soomaaliya iyo ciidamadda Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale, isaga oo wardifiyeenka kula hadlayay madasha shir madaxeedka NATO ee gobolka Wales, madaxweyne Obama ayaa ku tilmaamay geerida Godane inay tahay natiijo Maraykanku ku taamayay marka ay timaado dagaalka ay kula jiraan Shabaab, Al-qaacida, ISIS iyo shabakadaha kale ee xagjirka ah.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Maraykanka iyo shakhsiyaadka ka tirsan ciidamadda sirdoonka qaranka Soomaaliya ee gacanta ka geystay howlgalkaasi.