Maroodiyaal 2 dalxiise ku dilay dalka Zambia

278

Marroodayaal ku nool dalka Zambiya ayaa dilay labo qof oo la sheegay inay ahaayeen Dalxiisayaal Ajaaniib ah.

Labadan qof oo dalxiis u joogay dalka Zambiya ayaa  dhintay ka dib markii sida la sheegay ay u dhowaadeen Marroodayaasha si ay sawiro uga qaataan taasi oo sababtay in maroodayaasha ay weerar kusoo qaadaan.

Dhacdadan ayaa lagu waramay inay ka dhacday caasimadda dalxiiska dalka Zambiya ee Livingstone.

Danny Mwale, oo Booliiska ka tirsan ayaa wariyaasha u sheegay in labada nin ee dalxiisayaasha ajnabiga ah ee Marroodigu uu dilay ay kala  ahaayeen haweenay 55 jir ah oo u dhalatay dalka Belgium-ka iyo nin  64 jir ahaa oo u dhashay dalka Holland/Netherlands.

Booliiska dalka Zambiya ayaa sidoo kale baaraya suurtagalnimada in labada ruux ee dhimatay ay ahaayeen kuwo ugu tala galay inay naftooda gooyaan iyo in kale.

Dhimashada ay Ku lug leeyihiin duur-joogta dalka Zambiya ayaa ah sida la sheegay mid kordhayaay sanadihii aynu soo dhaafnay.