Masar oo cambaaraysay weeraro ka dhacay Soomaliya, Kenya iyo Bakistaan

120

Dowladda Masar ayaa si kuluul u cambaaraysay weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Bakistaan.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Masar ayaa waxaa lagu sheegay in Masar ay si kuluul u cambaaraynayso weerarakii maalintii Talaadada ka dhacay Magaalada B/wayne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Weerarka hiiraan ayaa waxaa uu ahaa mid is-miidaamin ah oo lala beegsaday xero ciidanka Amsim, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin dhanka Galbeed ee Magaaladaasi, kaasi oo sababay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wasaaradda arimaha dibadda Masar ayaa waxaa ay dowladda Jabuuti uga tacsiyaysay askarta looga dilay weraarkii shalay.

Afhayeenka Wasaarada arimaha dibadda dalka Masar Axmed Abuu Zayd oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Qaahira ee xarunta dalkaasi ayaa sheegay in dowladiisa ay cambaaraynayso weerarkii lagu qaaday Hoteel ku yaala Magaalada Mandhera oo lagu dilay 12 qof.

Masar ayaa sidoo kale sheegtay inay ka xuntahay weerar dhimasho badan dhaliyay oo ka dhacay Magaalada  Quetta, oo xarun u ah gobalka Balochistan ee dalka Bakistaan.

Weerarka Quetta waxaa ku geeriyooday in ka badan 60 qof oo askar u badnaa, kaassi oo lagu qaaday goob lagu tababaro booliska gobalkaasi Balochistan.

Mas’uuliyada weerarkaasi waxaa sheegtay Kooxda Daacish.

Dowladda Masar ayaa la dhibaatoonaysa arimo amaan daro oo soo baxay tan iyo wixii ka dambeeyay markii xukunka laga tuuray Madaxwaynihii hore ee dalkaasi Maxamed Mursi, sanadkii 2013 kii.

Gacanka Siinaay oo ay ka howl-galaan kooxo dowladda ay u aqoonsan-tahay kuwo “Argagaxiso” ah  oo xiriir dhow la leh kooxda Daacish ayaa waxaa ka dhaca weeraro lala eegto Ciidanka masar.