Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Afhayeenka Amisom iyo Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo ka hadleen weerarki Buulo Burde

198

Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta AMISOM Cali Aadan Xumad iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa si kala gooni gooni ah ugaga hadlay qasaarihii ka dhashay weerarkii xalay lagu qaaday fariisimo ciidamada Dowlada iyo AMISOM ku lahaayeen Buuloburde.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax ayaa sheegay in weerarka ay ku dhinteen lix askari oo ciidamada Dowlada ah 11 kalana ay ku dhaawacmeen qaraxyadii iyo iskahorimaadkii ka dhacay xalay Buurloburde.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu hubo in labo ka mid ah ciidamadii soo weeraray ay dileen isla markaana ururka Alshabaab ay qaateen lix kale oo ku dhimatay iskahorimaadka.

Si kasta ha ahaatee afhayeenka ciidamada AMISOM Cali Aadan ayaa sheegay in ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ka dhinteen saddex askari oo qura.

Weerarka xalay lagu qaaday magaalada Buuloburde ayaa waxaa ka mid ahaa ciidamadii ku dhintay abaanduulihii ciidamada Dowlada ee gobolka Hiiraan Col Maxamed amiin Jeesow.

Xaalada magaalada Buuloburde ayaa degen haatan iyadoo ciidamada Dowlada iyo kuwa Jabuuti ay howlgalo si wadajir ah uga sameynayaan gudaha magaalada Buuloburde.

www.xaqiiqa.com