Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Kenya oo Nairobi ku soo dhoweeyay dhaawacyo laga qaaday Muqdisho

186

Magaaladda Nairobi ee xaruna dalka Kenya, waxaa ka degtay Diyaaradii waday Bukaanadda Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Zoobe, kuwaasi oo maanta ka dhooftay Magaaladda Muqdisho.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Nairobi ku soo dhaweeyey Bukaanada Soomaaliyeed, Masuuliyiin ay ugu horreyso Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, Marwo Aamina Jawaahir Maxamed, Madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo Warbaahinta la hadashay soo dhaweynta ka dib, ayaa sheegtay in addeeg caafimaad oo heer sare ah loo fidin doonno Bukaanadda Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe ka dhacay.