Maxaa Dhacayo Haddii Lafeydo Cowrada Qabiilka?

446

Goosaar

Maxammed Axmed C/laahi
Email: goosaar@gmail.com

Godka ama dhufeyska ugu danbeeyo ee qofka soomaaliga ahi ku aruuro waa qabiilka. Haddii uu wax maagayo qabiil buu ku weerar tagaa. Haddii uu rabo inuu muujiyo inuu dhibbanayahay waxa uu adeegsadaa in heybtiisa qabiil darteed loo baacsanayo. Haddii qabiilkiisa wax laga sheego haf buu soo dhahaa oo weerar af iyo adinba ah qaadaa. Taasi waxa ay reebtay mahadho ka dhigtay heybtii qabiil mid xasaasiyaddeeda leh. In badan waxa ay ku doodaan in soomaalidu magaca qabiilka afka ka dhowrto oo ka xishooto, laakiin dhaqan ahaan uu noqday halbeegga wax lagu cabbiro markey timaaddo colaad, nabad, wax wad qabsi iyo wax iska sheegid intaba.

Arinta ah inaan qabiilka afkaba lasoo marin karin oo loo sawirayo wax ceeb ah oo laga habboon yahay, halka ku dhaqankiisu yahay mid xoog leh oo qofka soomaaliga ahi inuu si toos ah kuu weydiiyo heybtaada qabiil uu ka doorbido inuu meelaha kasoo xansado ayaa waxa ay kamid tahay sumadaha muujiyo cabursanaan dhanka caadeynta kaalinta qabiilka ee nolasha. Umadaha nala midka ah ee wali qabiilku saameynta weyn ku dhex leeyahay waxaa kamid ah Yemen iyo Suudaan. Labaduba bulsha ahaan waa nagaga ilbaxsanyihiin kaalinta qabiilka uu nolashooda kaga jiro. Waa marka u horeyso ee qofka waxaaba magaciisa kamid ah reerkuu u dhashay ama deegaanka uu kasoo jeedo waa sumad aqoonsigiisa kamid ah oo dukumintiga sharciga ah loogu qoro sida shahaada dhalasho, teesaraha iyo shahaadada wabrashada iyo baasaboorkaba. Isu faanka qabiilka iyo in nin waliba aaminsanyahay inuu asaga kasoo jeedo beesha ugu wanaagsan beelaha kale waa dood joogta ah oo aad ku arki meeshii saddex qof oo kala heyb ah ay isugu yimaadaan.

xili aan dalka Yemen arday ka ahaa ayaa Barahii cashirka nagu lahaa waxuu weydiiyay arday kamid ahaa fasalka heybtiisa qabiil. Ardaygii waxa uu sheegtay inuu yahay reer “ARXAB” macalinkii intuu qosal ku dhuftay buu yiri ma waxaad tahay beeshii Yemen ugu reer baadiyeysneyd? Sow matihidiin kuwii Ey beer ka galay madfaca BM-ka ku qaraacay? Beeshaas uu sheegay waxa ay kamid tahay saddexda beelood ee ugu waaweyn beelaha dalkaasi Yemen, gaar ahaan Waqooyiga. Waxaa ka dhashay rag dalkaasi magac ku leh oo ay kamid yihiin sheekha caanka ah ee Cabdul Majiid Zandani iyo Ra’iisul wasaarahii hore ee dalkaasi C/kariim Aliryaani. Maxaad fileysaan haddii macalinkaas iyo ardaygaba soomaali ahaan lahaayeen!!!

Majalad la dhihi jiray “ALMJALLA”, kanasoo bixi jirtay magaalada London oo afka carabiga lagu qoro ayaa waxaa si joogta ah wax ugu qori jiray qoraa u dhashay reer Suudaan oo magaciisu ahaa Jacfar Cabbaas, inta badanna arimaha bulshada ka hadlo. Qormooyinkiisa mid kamid ah ayuu kusoo qaatay booqasha uu ku tagay dalka Maleysiya iyo martiqaad ay u sameysay gabar reer suudaan ah oo dalkaasi ku nool. Cuntadii martiqaadkii loo diyaariyay waxaa lagu soo daray xaywaankan farqaha badan ee badda ku nool afsoomaaligana lagu dhaho “faramooggo” ama “oodaal” sida uu iisheegay aqoonyahan Maxamed C/laahi Jaamac, afka qalaadna lagu yiraahdo “octopus ” afka carabigana lagu dhaho “اخطبوط”. Waxa uu yiri inkastoo aan ka xumahay oo aanan aqoon sida loo cuno bahalkaasi, laakiin waxaan ku faraxsanahay inaan soo arkay gabar qabiilka reer “Jacali” ah oo bahalkaasi cunto. Waa dhibco aan ka qaatay niman reer “Jacali” ah oo xifaaltan naga dhexeyo. Warkaasi waxa uu kusoo baxay Majalad caalami ah. Ka warrama haddii nin soomaali ah uu meel ku qoro waxaan Nayroobi kusoo arkay gabar reer hebel ah oo koboshiinka cabto maxaa qabsan lahaa ninkaas?

Soomaalidu dhaqan uma lahan u dulqaadashada wax ka sheegidda beelaha ay kasoo kala jeedaan. Kuwa noogu dulqaad badan waa suugaanleyda oo aanan isu gacan qaadin laakiin silsilada dhaadheer oo deelleey iyo siinley ah sida tii “GUBA” iyo wax lamid ah isu tabiyo, marar badan waxaan maqalnaa sheekooyin lasoo minguuriyay oo wax loo sheegayo qabaa’ilka Soomaalida. Laakiin intooda badan lama yaqaan cidda iska leh ama laga soo wariyay, haddii la sheegana waa un nin waa hore dhintay oo aan is difaaci karin una badantahay warkaasi qeyb kamid ah inuu yiri laakiin rag nool oo ka cabsanayo eed qabiil in ay ninkaasi u saariyaan wax badan oo iyagu allifeen.

shaki kuma jiro in xasaasiyadda qabiilku dhib badan nagu hayo in uu noo diidanyahay inaan si calool furan u wada hadalno, in dib u heshiisin dhab ah lawada gaaro, iyo in dhulkan naga badan uu nawada qaado, hadaba si awrkan buubaalka ah “qabiilka” loo leyliyo waxaan furayaa dood ku wajahan in sidii loola noolaan lahaa qabiilka anigoo soo gudbinayo qodabada aan xalka u arko;

1. waxaan qabaa in 365 ta maalmood ee sanadka maalin kamid ah loo asteyo “maalinta qabiilka” oo dhammaan deegaannada Geeska Afrika ee Soomaalidu dagto si wadajir ah loo xuso, ayadoo suugaanta iyo doodaha furan loogu dabbaal dago qabiilka, beelaha dhanna kaftan xafiiltan ah uu dhexmaro.
2. In lacaadi yeelo qabiilka akhrintiisa, rogrogiddiisa iyo hadal haayntiisa xagga warbaahinta iyo goobaha cilmi baarista laguna soo daro manaahijta waxbarashada
3. In qabiilka lagu daro waraaqaha aqoonsiga iyo dukumentiyada kala duwan ee shaqsiga.
4. In la aasaaso madxaf lagu keydiyo dhaqamada soo jireenka ee qabiilada soomaaliyeed.

Qodobadaasi iyo kuwa kale oo ka dhalankaro doodaha soo socdo waxey saldhig u noqon karaan isfahan iyo furfurnaan bulsh oo yareeyso xasaasiyadda dhinbilaha ka duulduulayaan markastoo lasoo hadal qaado magaca qabiil?