Maxaa fashiliyay Shirkii Soomaaliya iyo Soomaaliland?

250

Shirkii wadahadallada ee u dhaxeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland oo lagu waday inuu ka dhaco magaalada Istanbuul ayaa ku dhamaaday guul-darro kaddib markii wafdigii Soomaaliland oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Maxamed Biixi Yoonis ay diideen inay hor fariistaan wafdigii ka socday Dowladda Soomaaliya, iyagoo sabab uga dhigay in ay ka mid yihiin xubno wasiirro ah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliland, gaar ahaan Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Duulista Hawada iyo xubno kale.

Maxamed Biixi Yoonis oo u warramay warbaahinta ayaa tilmaamay inay dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga hore ugu sheegeen inaysan aqbalin doonin wadahadallo ay qayb ka yihiin dad kasoo jeedo Soomaaliland.

Mar uu ka hadlayay sababaha fashilka shirka keenay ayuu yiri “Waxaa burburiyay ragga tirada badan ee reer Soomaaliland ee ay ku soo dartay Dowladda Soomaaliya. Waanu la hadalnay, warqad baanu u qornay, waana u sheegnay Dowladda Turkiga in aanan aqlabeynin ka qeybgalka dadka Soomaaliland kasoo jeeda. Ninka wasiirka Warfaafinta waa nin asalkiisa ka yimid Soomaaliland ah, shirkuna waa Soomaaliya iyo Soomaaliland.”

Hadalkaas ayaa macnahiisa waxaa laga dheehan karaa in qof kasoo jeeda Soomaaliland uusan qayb ka noqon karin dowladda Soomaaliya sida uu qabo Wasiir Biixi.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo qayb ka ahaa wafdiga matalayay Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay diidmada Soomaaliland ay ku diiddan tahay isaga iyo ragga kale ee la socday sida Wasiirka Duulista Hawada, Cali Jaamac Jangali, Wasiirkii hore ee isla Wasaaraddaas Siciid Jaamac Qoorsheel iyo xubno kale oo kasoo jeeda Gobollada Waqooyi.

Wasiir Maareeye wuxuu sheegay in ay Soomaaliland masuul ka tahay fashilka shirka. “Sababtuna waxa weeye” ayuu yiri “in liiska ergada iyagoo Hargeysa jooga loo gudbiyay isla markaasna aysan wax diidmo ah muujin xilligaas.”

Wuxuu intaa raaciyay in Dowladda Soomaaliya ay tahay hal unug, oo leh Madaxweyne iyo Xukuumad, go’aankuna uu yahay mid aan Istanbuul waxba looga beddeli karin, sidaasi darteed sax ma aha inay Soomaaliland tiraahdo “hor fariisan meyno dadka kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee ay Dowladda soo dirsatay.”

“Dadka reer Soomaaliland waxay dantoodu ku jirtaa nidaamka federaalka ah. Hore ayaa dhibkii uu milatariga gaarsiiyay looga garaabay. Anigu gobolladaas ayaan kasoo jeedaa, waxaana u aragnaa in ay fa’iido ugu jirto  Soomaaliland ka mid noqoshada Dowladda Federaalka.” Sidaa waxaa yiri Mudane Maareeye.

Si kastaba ha ahaatee, dadka u kuurgala wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa tilmaamaya inkastoo uu shirkii fashilmay in haddana ay tahay marka kaliya oo dad matali kara dowladda Soomaaliya ay u dirtay wada-xaajoodyada Soomaaliland.

Wadahadalladii hore ayay xeeldheerayaasha tilmaamayaan in ay ahaayeen oo kaliya kulamo indha sarcaadis ah oo aan gunta wadaxaajoodka marna loo daadegin.

Dowladda Soomaaliya waxaad mooddaa in ay wadaxaajoodka u wadday oo kaliya si ay u qanciso indhaha beesha caalamka iyo Soomaali badan oo doonayay in arrintan si isfaham ah lagu dhameeyo. Halka Soomaaliland ay xeel-dheereyashu tilmaamayaan ujeeddada ay shirarka ka lahayd inay ahayd in kaalmada caalamka ee tooska loo siiyo aan hakad laga gelin, isla markaasna ay taageero dheeraad ah oo toos ah ka hesho dalalka Soomaaliya waayadan dambe daneeya ee Turkiga iyo Imaaraadka Carabka.

Fashilkan ayaa wuxuu keeni karaa dhinac kastaba in uu dhinac kasta si sax ah u fikiro oo uu miiska wadahadalka la tago wax ku saleysan xaqiiqda hadda jirta, toosna loo guda galo shuruudaha cid kasta ay dooneyso ee  ku saabsan midnimada iyo kala go’a.

Waxaan suuragal ahayn Soomaaliland in ay tiraahdo “wafdiga ay Soomaaliya soo direyso waa inaysan ku jirin ergo kasoo jeedda Gobollada Waqooyi, halka kuwa ay iyadu soo direyso ay u dhan yihiin beelaha Waqooyiga dega.

Su’aasha in la fahmo u baahan ayaa ah dadka Soomaaliland kasoo jeeda ee aaminsan midnimada miyeysan xaq  u laheyn in ra’yigooda ay kala xaajoodaan Soomaaliland? Tan kale, Dowladda Soomaaliya miyeysan xaq u laheyn inay dirsato cidda ay doonto ee ka tirsan Xukuumadda iyo Baarlamaanka?

Dhanka kale, bal ka warrama dowladda Soomaaliya haddii ay tiraahdo “shirka fariisan meyno haddii ay ku jiraan xubno kasoo jeeda Sool, Sanaag iyo Awdal oo dadka ku nool ay inta badan aaminsan yihiin midnimada Soomaaliya?

Isku soo wada duub, in Dowladda Soomaaliya ay iyaduna tiraahdo dad gaar ah ha laga reebo oo ay farageliso xubnaha Soomaaliland u matalaya shirka daw ma tahay?

Haddaba haddii ay jawaabuhu yihiin kuwa iska cad sow ma habboona, iyadoo la eegayo maslaxada Soomaalida meel walba oo ay joogto in laga hadlo qaddiyadaha aasaaska u ah nolosha Koonfur iyo Waqooyi intii waqti iyo dadaalba lagu bixin lahaa shuruudo aan micno ku fadhin?

Wadaxaajood rasmi ah oo la galo ayaa keeni kara in ama midnimo lagu heshiiyo ama kala go’ heshiis lagu yahay yimaado, waana midda laga rabo inay fahmaan labada dhinac.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, wadahadallada waxaa lagu wadaa inay u sii socdaan labada dhinac, inkastoo aan la ogeyn waqtiga dib la isugu soo noqon doono, haddana dad badan oo Soomaali ah ayaa ku hanweyn inay ugu dambeyn arrinta miro-dhal noqon doonto.

W.D: Yuusuf Xasan