Maxaa ka jira in 72 sacadood loo qabtay in Soomaaliya uu kaga baxo wakiilka Hay’adda FAO

270

photo

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay in waddanka Soomaaliya laga saaro wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO Richard Trichard.

Richard Trichard ayey dowladdu ku eedeysay inuu gaystay dhaqan ka baxsan xirfadda oo meel uga dhacaysa hay’baddii iyo sharaftii wakiilnimo ee Soomaaliya.

Warqad ka soo baxday wasaarrada arimaha dibadda Soomaaliya islamarkaana ku soctay wakiilka QM Soomaaliya iyo hay’adda cuntada iyo beeraha u qaabilsan QM ee FOA ayaa lagu soo gudbiyay cabashada dowladda Soomaaliya ee la xiriirta Richard Trichard.

‘’Wakiilka waxaa uu la yimid hab dhaqan iyo aqlaaq aad u liidata taa oo wax u dhintay xiriirka hay’adda FOA iyo dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arimaha dibada Soomaaliya.

Eedeymaha dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah Trichard waxaa sidoo kale qeyb ka ah in uu muujiyay ixtiraam darro iyo hab dhaqan xad gudub ku ah saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan wasiiro.

Dhinaca kale Af-hayeen u hadlay Qaramada Midobay ayaa Idacadda afka Maraykanka Ku hadasha ee (VOA) u sheegay in ay socdaan wadahadallo u dhexeeya dawladda iyo madaxda Qaramada Midoobay oo arrintan lagu xallinayo.

Dowladda Soomaaliya oo warqada soo saartay 13kii bisha June ayaa ku ekeyd maanta ilaa haddana ma cadda in Mr Richard Trichard dalka uu ka baxay iyo in kale.

Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya Mr Jamaal, ayaa mid ka mid warbaahinta online ka ah ee Soomaalida sidoo kale u xaqiijiyay arintan.

Waxaa lagu waramayaa in loo qabtay in dalka uu kaga baxo mudo 72 sacadood ah.

Arimaha madaxa hay’adda FAO lagu haysto ayaa ka mid ah inuu dowladda ka biyo diiday in xafiiska hay’adda FAO ee Soomaaliya laga soo raro caasimadda dalka Kenya ee Nairobi loona soo wareejiyo caasimadda Soomaaliya ee Moqdisho.