Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay wadaan mooshin ka dhan ah Saldhiga Milateri ee Imaaraadka carabta ka sameysaneyo magaalada Berbera ee maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegaya. in heer gabo gabo ah uu u marayo diyaarinta mooshinkan.
Maalmaha soo socda ayaa la sheegay in la hor-geyn doono mooshinkan Guddoonka Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.
Waxaa ay sheegeen in Saldhiga Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Berbera ay tahay arrin dhaawaceysa jiritaanka Midnimada Soomaaliya, isla markaana ah xadgudub aan meelna loogu soo gaban.
Kulankii Baarlamaanka ee sabtidii aynu soo dhaafnay ayaa Xildhibaano qaar soo hadal qaadeen arrinta saldhiga Imaaraadka Carabta,.
Hase ahaatee Guddoomiye Jawaari ayaa diiday in laga hadlo, iyadoo aanay ku jirin ajandaha, waxaa uu xusay in loo baahan yahay in hadii la rabo in laga hadlo ama laga doodo mooshin laga keeno.
Xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa cirka isku sii shareereysa, kaddib markii Imaaraadka Carabta u yeertay Safiirkii u joogay Somalia, sababo ku aadan muranka iyo cabashada dowladda Somalia ka keentay saldhiga Milateri.
Imaaraadka Carabta ayaa dhowrkii sano ee u dambeeyay si weyn ugu lug laheyd arrimaha Soomaaliya, iyadoo xiriiro dhow la laheyd maamulada dalka, kuwaasoo qaarkood ugu deeqday saanad milateri, iyo gaadiid isugu jira mid ciidan iyo kuwa madaxda lagu qaado ee aan xabadaha karin.