Shirkadda duulimaadyada Turkish Airlines, ayaa beenisay wararka sheegaya in la joojiyay duulimaadyadeeda sida tooska ah uga baxa Muqdisho kuna dega magaalada Istanbul.
Shirkadda Turkish Airlines, ayaa ah shirkadda caalamiga soda toos ka ah uga howlgasha Soomaaliya.
Qoraalo lagu baahiyay barta Farimaha gaaban ee INTERNET-ka ee Twitter, ayaa waxaa dadku maanta ay isla dhexmareen in shirkadda diyaaradaha laga leeyahay dalka Turkiga ee Turkish Airlines, ay joojisay Duulimaadyadeeda toos ka ahaa ee Muqdisho iyo Istanbul, ayadoo aan ku wargalin rakaabkeeda Muqdisho.
Dadka bogooda ku daabacay waxaa ka mid ah Cumar Faaruuq Cusmaan oo ah madaxa garab ka mid ah ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliya, ee NUSOJ.
Omar Faruk Osman @OmarFarukOsmanIt’s incredible that @TurkishAirlines can just abruptly cancel its flight from #Mogadishu to #Istanbul without even informing passengers!.
Xaqiiqatimes, ayaa arrintan isku dayay inuu xaqiijiyo Jiritaankeeda. waxaan qadka Telfoonka kula xiriirnay wakiilka Turkish Airlines ee Soomaaliya, Ibrahim Maxamuud Sheekh, kaasi oo beeniyay in la joojiyay in la joojiyay duulimaadyada.
Ibrahim, ayaa sheegay inaysan jirin wax la joojiyay hase ahaatee duulimaadka maanta uu u baaqday sababo la xiriira baraf xoogan oo ka da’aya magaalada Istanbul.
Waxaa uu intaasi ku daray in dadka maanta baaqday la qaadi doono 11 bishan islamarkaana shaqada ay sii socon doonto.