Warbixin: Maxaa ka jira in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya qaarkood ay olale ay ku mucaradayaan Xukuumadda ay ka wadaan Nairobi

713

maxresdefault

Wararka aan ka helayno Magaalada Nairobi ee dalka Keyna ayaa waxaa at  sheegayaan in xubno ka tirsan labada Aqal we  Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya in dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ay ka wadaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda  dalka Kenya, kuwaasi oo ay kaga gol leeyihiin sida la sheegay  in Dowladda Federaalka ay ku furaan Mowjado Siyaasadeed oo mucaaradnimo ah.

Waxaa la sheegayaa xubnahan oo ka kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay kulamo joogto ah ku leeyihiin Hoteelo ku yaalla Magaalada Nairobi, halkaasina ay ku falanqeynayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka uu marayao.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa hada ku guda jira fasaxoodii ugu horeeyay tan iyo markii Baarlamaanka Federaalka laga soo doortay Gobolada dalka Soomaaliya.

Wararka qaar oo maalmahan dambe soo baxayay ayaa  waxa ay sheegayaan xildhibaanadan ay wadaan olale ku aadan Mucaaradidda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada oo tiradooda lagu sheegay in 100 ay ka badan tahay ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay u badan yihiin xildhibaano looga baxay balamo ay la galeen Madaxda sare sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in Dowladda Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo) at  tahay Dowladda keliya ee heshay taageerada buuxda ee kaga timid shacabka Soomaaliyeed, waxaana Madaxda Dowladda ay hada wadaan qorshe guud oo ay wax kaga qabanayaan xaaladaha siyaasadeed, Bani’aadanimada, Amniga iyo Arrimaha Dibadda.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo sanadkii hore laga soo doortay Guud ahaan gobalada dalka ayaa qaarkood waxaa ay yihiin kuwo lacago badan kusoo galay albaabka Golaha Sharci dajinta dalka, Qaarkood ayaa Ku yimid musuqmaasuq baahsan oo la sheegay inay ka dambeysay dowladdii hore ee uu hogaamin jiray Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud taasi oo lahayd ajande siyaasadeed oo ay Ku doonayeen inay markale soo laabtaan, base ahaatee rajadaasi ayaa ceel kaga dhacday markii 8-dii February ee sanadkan Xildhibaanada si  lama filaan ah codkooda ay u siiyeen Madaxwaynaha haatan ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo.

Xildhibaada ayaa la sheegaa inay ka turjumeen rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed waxaana xildhibaanada loo arkayay kuwo isbadel doon ah.

Waxaa meesha aysan ka marnayn inuu jiray balanqaadyo xilligii olalaha doorashada Madaxwaynaha taasi oo ay sameynayeen musharixiintii xilka u baratamayay ayadoo taa ay ka midaysanaayeen dhammaan musharixiinta xitaa Madaxwaynaha hadda ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo.

Haddaba xildhibaanada Qaranka maxay shacabka Ku matalaan?

1 ma danahooda gaar ka ah?

2 ma danaha Qaranka?

3 ma danaha goobaha ay matalaan

Aniga oo aan ka jawaabaynin ayaa waxaa ay iila muuqataa in inkastoo xildhibaanada Qaranka ay Ku jiraan kuwo badan oo Waddaniyiin ah ayaa haddana waxaa jira kuwo danahooda oo kaliya Aqalka Sharci dajinta dalka  u galay, taasi oo ka mid ah waxa loo yaqaano “Khiyaano Qaran” oo afka Qalaad lagu yirahdo ” National Treason ”