Maxaa ka jira iscasilaadda agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya?

95

Sida ay ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya iyo Dr Nuur ay  u xaqiijiyeen wargeyska Xaqiiqa Times  iscasilaadda dhawaan la faafiyay ayaan ahayn mid sal iyo raad  leh.

Agaasimaha Madaxtooyada Dr Nuur Diiriye Fuursade ayaa ku jira fasaxiisa caadiga ah isaga oo ku qaadanaya dalka Canada oo uu degganyahay.

Ma jirto war rasmi ah oo  ka soo baxay madaxtoyada Soomaaliya oo la xiriira wararka la isla dhex marayo ee tilmaamaya in Dr Nuur uu shaqada ka tagay.

Dhawaan ayaa warbaahinta qaar waxa ay sheegtay in agaasimaha Madaxtooyada Dr Nuur Diiriye uu iska casilay agaasinka Madaxtooyada Soomaaliya oo u hayay ilaa iyo bisha May ee sannadkii 2019.