Maxaa kasoo baxay kulankii dhexmaray madaxweynaha iyo guddiga matalayay guddoomiyaha baarlamaanka

372

Waxaa xalay ka dhacay villa Somalia kulan dhexmaray guddi ka socday guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kulankaas oo ujeedkiisu ahaa wadahadal lagu soo afjarayo khilaafka baarlamaanka.

Guddiga xildhibaanada ee ka socday dhanka guddoomiyaha waxaa madax u ahaa xildhibaan Cabduqaadir Cosoble, waxayna Madaxweynaha u gudbiyeen labo qodob oo ay u arkeen in lagu soo afjari karo khilaafka baarlamaanka.

Waa mide in wadahadal lagu dhammeeyo muranka baarlamaanka sidaasna lagu soo afjaro  khilaafkaan ragaadiyay golaha shacabka.Waa tan labaade in lagu kala baxo sharciga oo  sanduuqa codeeynta la dhigo goob dhexdhexaad ah oo labada dhinac ay u simanyihiin.

Madaxweynaha iyo xildhibaanada ayaa isku afgartay in kulankooda uu xigi doono kulan lagu wado maanta in uu dhexmaro guddoomiyaha baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa codsaday in la baajiyo kulan maanta ay yeelan lahaayeen baarlamaanka oo looga doodi lahaa mooshinka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaan wax shaqo ah qaban muddo 25 bari ah;waxaana intaas aloosnaa khilaaf qalqal siyaasadeed abuuray.Khilaafkaan aaya soo bilawday markii xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay keeneen mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka.

Lama sadaalin karo sida ay wax ku dhammaan doonaan.Laakiin se dadka siyaasada odorosa waxay leeyihiin ma muuqato saansaanta in mooshin lagu kala bixi doono.Maxaa yeelay taasi waxaa muuqda in xilligeeda dhammaaday.Waase suurogal in ugu danbeeyn sanduuqa lagu kala baxo.