Xildhibaan Sakariye Maxamed Xaaji Cabdi oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Sidoo kalena ka mid ahaa musharixiintii isu soo taagay xilka Madaxwaynaha Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland in ay si deg deg ah ay u siidaayaan Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo wali ku xiran Magaalada Hargeysa ee xarunta gobalka waqooyi galbeed ee Soomaaliya.
Xildhibaan Sakariye ayaa tilmaamay in ay tahay wax laga xumaado in la xiro wariye Coldoon, oo ahaa wariye si weyn uga shaqeeynayay arimaha Bulshada iyo sidoo kalena soo Bandhigi jiray dadka dhibaateysan ee Soomaaliyeed
Waxaa uu sheegay xildhibaanku in wariye coldoon, uu mudnaa in lasiiyo Abaalmarin , laakiin uusan mudneyn in la xiro.
Somaliland ayaa horay u sheegtay in Wariyaha ay Maxkamadeyn doonto , islamarkaana ay sharciga Marsiin doonto ka dib Markii ay sheegtay in uu ku xadgudbay Qaranimada Somaliland.
Wariye Coldoon ayaa laga qabtay Garoonka Magaalada Hargeysa ka dib markii uu ka laabtay Muqdisho , islamarkaana uu taageero u muujiyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.