Sidee loo qaybsaday guddiga maanta uu magacaabay baarlamaanka Soomaaliya

478

Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Soomaaliya oo Maanta markale kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay ku magacaabeen guddi ka shaqeyn doona doorashada gudoonka Baarlamaanka dowladda Soomaaliya.

Guddiga ay magacaabeen xildhibaanada ayaa ka kooban 15 xubnood.

Warqad kasoo baxday xafiiska guddoonka KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in guddigan la magacaabay ka dib markii la dhagaystay mudanayaasha baarlamaanka.

Waxaa xusid mudan in guddigan 15 ka xubnood ka kooban lagu qeybsaday Nidaamka ay Soomaalidu wax ku qeybsato ee 4.5.baarlamaanka