Maxaa reer Muqdisho ciqaabta ku muteysteen?

453
Xaquuqda Sawirka: Ali Duale

Muqdisho (XT) – Magaalada Muqdisho  waxay  ahaan jirtey magaalo Soomaalidu meel kasta oo ay joogaanba u soo cararaan haddii dhibaato soo gaarto, tusaale ahaan haddii abaaro ku dhacaan oo xoolaha miyigu ay ka baaba’aan, waxay risaq u soo doonan jireen xamar, oo caan ku ahayd muufo tinaar,  macasaro lagu laray oo moosna lagu rifaaqay.

Gabadhii lagu dhibaateeyo deegaanka reerkeedu degaan, Muqdisho ayay ka heli jirtey nolol ay ku ilowdo xumaantii lagu sameeyey. Agoonkii loo itaal sheegto xamar ayuu ku xooleysan jirey, qofkii qabiil lagu ciilo xamar ayuu ku ciil bixi jirey. Ninkii leh han waxbarasho,mid diineed, han dhaqaale, han siyaasadeed iyo han guur intaba Mugqdisho ayuu ka heli jirey.

Si kale haddii aan u iraahdo, Muqdisho, waxay ahaan jirtay, miskiin koriso, deris u roon, dulmi diiddo iyo astaanta midnimada iyo dowladnimada Soomaalida oo idil.

Markaad taariikhda Muqdisho dib u milcsano, waxaad arkaysaa in Xamar ay ahayd xarunta ay higsadaan maankana ku hayaan Soomaalidu meelwalba oo ay joogaanba.

Hasayeeshee, nasiib darro, waxaa dhacday Muqdishadii sidaa ahayd in ay noqoto 1991 wixii ka danbeeyay magaalo astaan u noqotay in dadka lagu dulmo, xoguhuna waxay sheegayaan in ay Muqdisho ka dhaceen danbiyo aadanuhu galo kuwa ugu waaweyn, qoysas badan ayaa dhamaantood cirib go’ay oo aan qofna ka harin,  kaddib markii madfac heehaabaya uu ku dul habsaday, kufsi, dil, dhac dhinac walba leh intaas oo idil oo hoog iyo halaaga waxay ku dhaceen reer Muqdisho. Kumanaan qoys oo reer Muqdisho ahaa ayaa dibadaha firxad ku galay iyagoo dowladaha deriska halhaleel ku gaaray,  kadib markii ay u adkeysan waayeen dagaaladi dulinimada u horseeday Soomaalida.

Muqdisho, oo ah magaalo matalkeedu ku yaryahay Soomaaliya dhinac kasta marka laga eego ayaa haddana waxaa ay xilligaan  nasiib u yeelatay in ay xuddun u noqoto dhibaatada Soomaalida haysata. cid walba oo dooneysa in ay Soomaalida dhibto waxay dhibkeeda labeegsataa Muqdisho, 27 sano ayaa dadka reer Muqdisho yihiin dhibanayaal aan garaneyn sababta loo dhibayo oo haddana waxkasta oo xumaana iyaga dusha loogu saarayo, badanaa danbiga lagu ciqaabayo.

Muqdisho, haatan waxay leedahay maamul laga filayo in ay ilinta ka tiraan dadka reer Muqdisho oo si walba u dhiban cid kastana iyaga ciqaabeyso.

Reer Muqdisho, waa dadka keliya ee canshuur siiya dowladda federaalka Soomaaliya, waa dadka keliya oo wax kasta u dulqaata Soomaalinimada darteed, midnimada iyo isu tanasulkana iyaga ayaa hormuud u ah.

                Maqaamka Muqdisho

Muqdisho, maahan magaalo beelu sheegan karto ee waa  hooygii Soomaaloo idil.

Haddana waxaa lagu abaal mariyey reer Muqdisho, in la yiraahdo, weli maqaamka Muqdisho macadda, waa laga hadli doonaa,  Ciddii soo hadal qaaddana la yiraahdo fidno ayaad waddaa.

Xaqiiqdu, waxay tahay Muqdisho maqaam cidna ugama baahna ilaahbaa mar hore ugu deeqay , weligeedna way lahaaneysaa, waxay kaloo Muqdisho ahaan doontaa caasimaddii midnimada, tanaasulka, hoyga diinta iyo hiilka walaalaha Soomaaliyeed.

Sidaasi darteed dadka reer Muqdisho, ma ahan in ay ku mashquulaan maqaamka Muqdisho. Waayo looma baahana hadda in lagu mashquulo arrintaas.

Waxaa habboon in waqti lageliyo sidii ammaan buuxa ay u heli lahaayeen dadka ku nool Muqdisho, in laga shaqeeyo horumarka iyo bilicda xamar.

Muqdisho maamulkeedu, maahan in uu isla mid dhigo maamul goboleedyada aan maqaamka lahayn, horeyna u lahaan jirin oo hadda doonaya in ay dhaadhaajiyaan Muqdisho, ee waa in ay guntiga u xirtaan sidii ay u soo celin lahaayeen haybaddii iyo bilicdii Xamar Cadde.

Haddaba suuro gal matahay in reer Muqdisho ay dib ugu soo celiyaan Muqdisho siday ahaan jirtay waayo waayo?

Muqdisho waxay ahaan jirtay, koriso, kobciso kibriso iyo kiciso

Muqdisho, maahan magaalo beelu sheegan karto ee waa  hooygii Soomaaloo idil.

 

 W/Q: Yuusuf Xasan