Maxaa xiga faragelinta Madaxweyne Farmaajo?

407

Muqdisho (Soomaaliya) – Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo muddo ka aamusnaa khilaafka siyaasadeed ee hareeyey Barlamaanka Soomaaliya ayaa si lama filaan ah faraha ula galay xalinta khilaafka,isagoo ka codsaday dhinacyadii guddoonka ee is hayey in ay baajiyaan  qabashada fadhigii golaha oo dhici lahaa 31 kii Maarso.

Macadda sababta dhabta ah ee madaxweynuhu u joojiyey fadhigii golaha, laakiin si aada ayaa shacabku u soo dhaweeyeen, waxaana loo arkay in ay ahayd talaabo xiligii ku habbooneed laqaaday lana sugayey in madaxweynuhu mar hore uu fargelin ku sameeyo inta xiisaddu heerkaan aysan gaarin. Hase yeeshee, waxaa weli Madaxweyne Maxamed, laga sugayaa in uu ummadda Soomaaliyeed la wadaago sida uu u arko xalka khilaafkaan, kuma filna kulan joojin,  waayo arrintu waxay gaartey heer dowladnimadii Soomaaliya ay khatar iyo fowdo siyaasadeed gasho isla markaasna ay miciyaha lasoo baxaan kuwii Soomaali dhiigeeda durduuran jirey danahoodana oofsanjirey.

Fowdada ka dhex aloosan baarlamaanku, waxay fursad siinaysaa cadowga gudaha iyo kan dibadda ee Soomaaliya, sidaasi darteed ayaa waxaa lagama maarmaan ah, in si deg deg ah xal looga gaaro. waxaana uu noqon karaa xalkaasi, mid ku yimaada wada xaajood siyaasadeed oo danta Soomaaliya darteed dhinacyadu isugu tanaasulaan , waxaa kaloo xalku noqon karaa mid dhinacyadu sharciga u degsan baarlamaanka ay ku kala baxaan, si cad oo aan shaki ku jirin, ciddii sharci darro isku daydana meel looga soo wada jeesto.

Mudane Madaxweyne, dhiig joojin kaliya lagaama sugayo ee waxaa lagaa sugayaa go’aan hoggaamiye.Taariikhda ayaana xusi doonta sida aad u maareysid amuurtaan murugsan.

Fidnadu wey huruddey muddo, lacnadina way ku dhacaysaa ciddii kicisay!

W/Q: Yusuf Xasan