Maxaad ka taqaanaa awoodda dhanka Cirka ee Pakistan

944

thumbs_b_c_0826ce9ac5607579d1798619c7d5765d

Xaqiiqa Times KARACHI, Pakistan

Dowladda Pakistan, ayaa soo iibsatay 16 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah, kuwaasi oo loo yaqaano JF-17.

Pakistan ayaa la tartamaysa dowladda ay dariska yihiin ee Hindiya taasi oo haysata 2,000 oo diyaaradaha dagaalka ah halka  Pakistan ay haysato 920 diyaaradood oo isugu jira Kuwa Miiga loo yaqaano iyo kuwa dagaalka Qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka.

Diyaarahan cusub ayaa lagu Soo Bandhigay saldhiga ciidanka cirka dowladda Pakistani ee  Kamra, oo Ku yaala waqooyi barri ee gobalka Punjab.

Pakistani oo ah quwadda koowaad ee dunida Islaamka marka loo eego quwadda Nuclear-ka ayaa horay u haystay 70 diyaarood oo ah kuwa awoodda badan ee loo yaqaano JF-17.

Diyaaraha halka  Motor ee loo deegsan karo noocyada kala duwan ee Pakistan ay haysato ayaa mid kasta waxaa ay qaadi kartaa 3,630 kilograms oo hub ah.

Diyaarahan ayaa halkii sac duuli kara 2,200 KM oo u dhiganta (1,370 miles)

Waxaa ay sanadkan Dowladda Pakistan ay sugaysaa 4 diyaaradood oo ah kuwa Ruushka uu Sameeyo ee loo yaqaano  Mi-35