Maxaad ka taqaanaa doorashada Duqa magaalada Jakarta

244

Malaayiin dad ah oo Ku nool Magaalada Jakarta ee Caasimadda dalka Indonesia, ayaa maanta oo arbaco ah u dareeraya doorashada duqa Magaalada Jakarta.

In ka badan 13,000 oo ah goobaha dadku ay ka codeeyaan ayaa laga furay Magaalada Jakarta arbacada maanta, ayadoo dadku ay isku soo baxeen goobaha codynta.

In ka badan 7 million iyo 100,000 oo qof ayaa Sharci u haysta inay codeeyaan.

Wadanka Indonesia oo Ku yaala Koonfur barri qaradda Asia, waa mid ka mid ah dalalka ugu islaamka badan caalamka.

Intii lagu guda jiray ololha doorashada duqa Magaalada Jakarta waxaa hareeyay banaanbaxyo looga soo hor-jeedo duqa haatan haya maamulka Magaalada.

Doorashada waxaa Ku tartamaya Basuki “Ahok” Tjahaja Purnama oo haatan ah duqa Magaalada Jakarta, Waxa la loolamaya Anies Baswedan, oo ah wasiirkii hore ee waxbarashada iyo Agus Yudhoyono, oo ah wiil uu shalay Madaxwaynihii hore ee dalka Indonesia Susilo Bambang Yudhoyono.

Ahok, duqa Magaalada Jakarta ayaa waxaa uu tahay nin asal ahaan kasoo jeeda dalka China islmarkaana ah nin masiixi ah.

Ninkan ayaa lagu kacay ka dib markii uu aflagaaxeeyay diinta islamka.

Isagoo u khudbadaynaya taageerayaashiisa mar sii horaysay waxaa uu sheegay inaan loo baahnayn inay nar uga baqaan doorashadiisa.

Looma baahna inaad ka welweshaan hadalka Suuradda Maa’iddah ayadda 51 naad ayuu u sheegay taageeriyaashiisa, taasi oo keentay in lagu banaanbaxo.