Maxaad ka taqaanaa Maxkamadda ICC iyo ololaha ka dhanka ah oo Africa ka socda

361

Dowladda Gambiya ayaa sheegtay in gabi ahaanba ay ka baxday maxkamadda  Caalamiga ah ee dambiyada  daggaalka adduunka ee ku taala wadanka holand, gaar ahaan Magaalada Hague.

Gambia ayaa ku tilmaantay maxkamadda ICC ee  dambiyada mid u taagan in ay maxkamadayso hogaamiyaasha iyo dadka  Afrikaan-ka ah oo kaliya.

Tallaabada ay dowladda Gambiya qaaday waxaa ka horreeyay dowladaha Koonfur Afrika iyo Burundi oo iyagana sheegay in ay ka baxayaan maxkamadan.Madaxweynaha dalka Gambia ayaa dalkaasi xukumayay tan iyo sanadkii 1994, xilligaasi oo uu xukun milateri uu ku qabsaday.

Bisha December ayaa lagu wadaa in dalkaasi Gambia ay doorasho ka dhacdo, waxaana jirtay in la xiray xubnihii mucaaradka.

Xubnahan mucaaradka ayaa lagu eedeeyay in ay ka qayb galeen dibadbaxyo aan sharci ahayn iyo isku day ”Af-gambi” oo wadankaasi ka dhacay.

Hay’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa xarriga mucaaradka ku tilmaamay mid xadgudub ku ah xuquuqal insaanka.

Maxkamadda ICC ayaa horay u maxkamadaysay dadka ka soo jeeda Qaaradda Africa, kuwaasi oo badankood u dhashay wadamada Harooyinka ee ku yaala bartamaha Africa.

ICC ayaa horay u doondoonaysay Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto, kuwaasi oo lagu eedeeyay gobood fallo ka dhacay wadankaasi sanadkii 2007 dii ka dib markii halkaasi ay ka dhacday doorasho natiijadeeda lagu murmay.

Maxay tahay ICC goormee se ayaa la aas-aasay?

ICC waa maxkamad Caallami ah waxaa loogu talo-galay in la saaro dadka gala dambiyda ka dhanka ah Aadanaha. waxaa la aas-aasay 17 bishii July 1998, waxaana looga dhawaaqay Magaalada Rome ee dalka Telyaaniga.

Maxkamadda ayaa si toos ah shaqeedeeda u bilowday  01 July sanadkii  2002 dii. Xarunteeda waa Magaalada Hague ee dalka Holand/ Netherlands, luuqadaha shaqada maxkamadu waa English iyo Franch hase yeeshee waxaa ay leedahay 6 luuqadood oo  la ogol-yahay kuwaasi oo kala ah