Maxaad ka taqaanaa tirada Seynis-yahnada Islaamka ee ay dishay Hay’adda sirdoonka Israel

848

thumbs_b_c_b2bcc90d234a46cf2d4d99e19b557894

Tan iyo 1960-maadkii waxaa la aaminsan yahay in Hay’adda Sirdoonka dalka Israel ay dileen Seynis-yahno badan oo Musliniin ah.

Bishii December Sanadkii 2016 magaalada Sfax ee koornfurta Barri ee dalka Tunisia waxaa lagu dilay Seynis-yahan Muslim ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed al-Zawari.

Kooxda Xamaas we dalka Falastiin ayaa dilkaasi Ku eedaysay Sirdoonka Israel ee loo yaqaano Mossad, kooxdu waxay sheegtay in Seynis-yahku uu kala shaqaynayay samaynta diyaaradaha loo yaqaano Drones.

1967 Mossad, ayaa dishay Seynisyahan arimaha Nuclear ka Ku taqasusay oo u dhashay dalka Masar kaasi oo lagu magacaabi jiray Samiir Nuqayb.

Samiir ayaa lagu dilay shil gaari oo ka dhacay dalka Maraykanka, isagoo sida la sheegay maalmo ka dib qorshaynayay inuu Ku laabto dhulkiisa hooyo si uu aqoontiisa ugu caawiyo.

1980 kii Saynisyahan kale oo u dhashay dalka Masar ayaa lagu dilay Hotel Ku yaala Magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Waxaa uu ahaa aqoon-yahan Ku takhasusay arimaha Nuclear-ka, waxaana dalkaasi ka dambeeyay isla Sirdoonka Yahuudda.

Seynisyahankaasi ayaa xiligaasi gacanta Ku hayay barnaamijkii hormarinta quwaddii Nuclear ka dalka Ciraaq, waxaana lagu magacaabi jiray Yaxya al-Mashad.

1991 Sirdoonka dalka Israel ayaa la aaminsan yahay inay dalka Faransiiska Ku dileen Saynisyahan u dhashay dalka Lebnaan kaasi oo lagu magacaabi jiray Rammal Hassan.

1993 waxaa dab la qabadsiiyay guri uu Qaahira ka deganaa aqoon-yahan qoraa  caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Jamaal Hamdaan .

Eheladiisa waxaa ay sheegeen in dalkaasi ay ka dambeeyeen Sirdoonka Israel.

Waxaa gurigiisa laga waayay dhammaan boogagtiisii oo uu kaga hadli jiray dhibaatada Yahuudda.

1997 Jaajusiin ka tirsan Sirdoonka Israel ee Mossad ayaa Ku fashilmay isku day ay Ku doonayeen inay Ku sumeeyaan madixii siyaasadda kooxda Xamas,  Khalid Meshaal , waxaana falkaasi uu ka dhacay dalka Jordan ama Urdun.

2004  Ibrahim alDhaheri, oo ah Saynisyahan u dhashay dalka Ciraaq, kuna taqasusay arimaha Nuclear ka ayaa waxaa lagu dilay Magaalada Bacquuba ee dalka Ciraaq.

2010 kii waxaa Sirdoonka Israel Magaalada Tehran ee Caasimadda dalka Iiraan ay Ku dileen Saynisyahan lagu magacaabi jiray Mascuud Cali Mohammadi

Isla sanadkaasi 2010 kii Majid Shahriari oo ah Saynisyahan u dhashay dalka Iiraan ayaa lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay Magaalada Tehran.

Dilalkaasi waxaa si toos ah loogu eedeeyay Maraykanka iyo Israel.

Labadan dowladood kama jawaabin eedaymaha loo jeediyay.

2010 Sirdoonka Israel Waxaa dalka Qatar ay Ku dileen Maxmud al-Mabxuux oo ahaa taliye sare oo ka tirsanaa taliska ciidanka kooxda Xamaas.