Maxaad ka ogtahay safarka Xasan ee New york?

250

Madaxweyne-Xasan1Madaxweynaha dawladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhawayd u duulay waddanka Mareykanka, waxaana ku sii sagootiyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho masuuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Sheekh Cusmaan ‘Jawaari’, ra’iisulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta, Ridwaan Xersi Maxamed, wasiiradda difaaca, gaadiidka iyo duulista hawada, taliyeyaal ciidan iyo saraakiil kale oo ka tirsan xukuumadda dhexe.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New york uga qeybgalaya shir madaxeedka guud ee Qaramadda Midoobay, waxaana lugu wadaa in madaxweynuhu halkaasi uu ka jeediyo khudbad la xiriirta arrimaha xukumaddiisu ay ka gaadhay dalka, gaar ahaan marka ay timaado soo celinta amniga iyo ka gudbidda caqabadaha xilligaan ka jira gudaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Xasan Sheekh ayaa kulan gaar ah kula yeelanaya New york, Uhuru Kenyatta ka hor inta uusan furmin shir madaxeedkaasi waxayna ka wada hadli doonaan xiisadda sii kordhaysa ee la xiriirta xudduud baddeedka sida weyn loogu muran sanyahay ee labada waddan.

Sida ay Xaqiiqa Times xog rasmi ah ku heshay kulankaasi waxaa dalbaday madaxda sare ee Kenya, si xal looga gaadho ismaandhaafka xudduudda baddaha ee imminka jira maadaama maxkamadda cadaaladda caalamka ee loo yaqaano (ICJ) ay markii ugu horreysay dhageysan doonto dacwad ka dhan ah Kenya oo maxkamaddaasi dhawaan loo gudbiyay.

Dhageysiga dacwaddaasi ayaa ka bilaabaneysa maalmaha soo socda xarunta maxkamadda ee magaalada Hague, iyada oo sidoo kalena dawladda Soomaaliya qabsatay garyaqaano ka caawiya sidii ay u difaacan la hayd xudduuddaha baddeed ee ay xaqa u lee dahay.

Goor sii horreysay xukuumadda federaalku waxay sheegay in aysan aqbali doonin dadaallada Kenya ay ku dooneyso inay kula wareegto 150km oo ka mid ah marin biyeedka badda Soomaaliya, xataa haddii bay yiri uu waddanku kusii jiro qalalaase muddo ka badan 20 sanno oo kale.

Soomaaliya ayaa xudduud aad u dheer oo dhinaca badda iyo berigaba la leh waddankaasi ay jaarka yihiin ee Kenya.